Deeq buugaag

 

 

Xaflad si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay ayaa lagu qabtay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, waxaana ka soo qeyb galay mas'uuliyiinta Xarunta iyo marti sharaf kale oo

uu ka mid ahaa Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Odoyaasha dhaqanka, Guddiga iyo Guddoomiyaha xaafadda ay Xaruntu ku taal, waalidiinta Agoonta, Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee B/weyne, Agoonta iyo Mas'uul ka wakiil ahaa Ururka Abaal.

 

Ujeedada xafladaan ayaa lahayd laba ujeedo oo kala ahaa:

 

1- Urur waxbarasho oo lagu magacaabo Ururka Horumarinta ee Abaal "Abaal Development Organization" oo deeq buugaag wax barasho ugu talagalay Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne soo gaarsiiyay Hay'adda Kheyriga ee Ugaas Khaliif "Ugaas Khalif Foundation" oo ah Hay'ad ka shaqeysa arrimaha samafalka iyo horumarinta agoonta, buugaagtaas oo isugu jirtay noocyo kala duwan sida: Science, Mathematics, Physics, Philology, Chemistry iyo culuumta Diinta Islaamka.

 

2- Iyo in Ururka Abaal, uu kafaalo qaado waxbarshada dugsiga sare ee 70 arday oo wiilal iyo gabdho agooma ah, form one ilaa form four waxbarashadooda, waxaa goobta lagu soo bandhigay buugaagtii agoonta loogu soo deeqay iyo waliba 70kii arday ee loo ogolaaday kafaalada waxbarashada, iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyinka ballanqaadka oo agoon kasta magaciisa ku qoran yahay.

 

Dhammaan dadkii ka hadlay goobta waxa ay ka mahadceliyeen dadaalka ABAAL, kuna booriyeen ummadaha iyo ururada kale inay ku daydaan ABAAL, Dr. Cabdinaasir oo wakiil ka ahaa Ururka Abaal ayaa buugaagtii iyo shahaadooyinkii adrayda agoomaha ku wareejiyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka wakiil ahaa Hay'adda Kheyriga ee Ugaas Khaliif, gebgebadiina waxaa deeqdii guddoomay soona xiray xafladdii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, oo bogaadin iyo duco isugu daray ururka Abaal.

 

Haddaba Ururka Abaal waxa uu dhisan yahay wax ka yar sannad, waxa uuna ku tallaabsaday horumar xowli ah, mar haddiiba isaga oo bilooyin kaliya jirsaday uu qabtay horumarka aan kor ku soo xusnay, waxa uuna fadhigiisu yahay carriga Ingiriiska (UK), gaar ahaan magaalada Birmingham, waana urur ay ku bahoobeen dhallinyaroo aqoonyahanno ah, ujeedkooduna yahay horumarinta xagga waxbarashada ee danyarta soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2007-2015, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie