Deeq Dhar Jun 2016

 

 

 

 

Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee Beledweyne ayaa waxaa loogu deeqay dhar ciideed oo cadadkiisu yahay 100 (boqol) joog, sida surwaal iyo shaaati ama surwaal iyo funaanad, waxaana dharkaan oo inay agoontu ku ciidaan maalinta ciidul fidriga loogu tala galay ku deeqay dad muxsiniin reer Beledweyne ah oo kala ah:

 

1- Xasan Max'ed Cismaan

2- Hodan Max'ed Cismaan

3- Hodan Max'ed C/lle

4- Ceebla Cabdi Joowle

 

Iyadoo dhammaan walaalahaas qof waliba uu ku sadaqeystay 25 joog oo dharka carruurta ah.

 

Maamulka Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif oo deeqda dharka ah walaalahaas ka guddoomay ayaa Alle (SWT) uga baryay inuu sadaqada ay la baxeen oo runtii ku soo aaday waqtigii ugu munaasibsaneyd iyagana iyo si kasii wanaagsan uga farxiyo maalinta isla xisaabtanka ee qiyaamo, isagoo walaalaha kale ee muslimiinta ka codsaday inay gacan ka geystaan quudunta iyo caawinaadda agoonta.

 

2007 - 2016, © All Rights Reserved to agoonta.net, designed by Hassan O. Hurie