Fadliga Bisha Ramadaan July 2015

 

Waxaan salaantaa Islaamka ee Qaaliga ah u soo gudbineynaa Dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo aan leenahay Alle ha innaga wada dhigo kuwa Alle (SWT) waafajiyo barakada iyo khayrka bisha Ramadaan, oo hela Raxmadda, dembi dhaafka iyo ka xorowga Naarta. Aamiin.

 

Ramadaanku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee islaamka, waana tiirka 4aad ee uu Alle nagu waajib yeelay. Bishaan Ramadaan waa bil soon, bil Quraan, bil barako, bil cibaado, bil Kheyr iyo bil raxmadeed,waana bisha 9aad ee bilaha Hijriga ah, waxaana la sharciyeeyay oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee Sannadkii 2aad ee Hijriyada.

 

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhisa, uguna fadhisa ummadda muslimiinta, taasoo mudan in laga faa'iideysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xiran dadaal iyo niyad wanaagsan oo aan la nimaado, waa bil uu Illaahay subxaanahu watacaalaa u doortay iney ahaato bil loo soomo oo loo af xirnaado Alle dartii, oo laga dheeraado cuntada, cabbidda, shahwaadka iyo dembiga kale oo dhan ee wax u dhimaya soonka, waana bil kheyr badan oo Shayaadiintu xirxiran yihiin.

 

يا أيّها الّذين آمنوا كتب عليكم الصّيام كما كتب على الّذين من قبلكم لعلكم تتّقون(البقرة)

 

Aayaddaas waxa uu Alle kor ahaayee noogu sheegayaa (kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow waajib ayaa leydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horeeyey, waxaa la arkaa inaad cabsataane).

 

Waxa Illaahay subxaanahu watacaalaa raxmadiisa kaga dhigay 30 kii casho ee Ramadaanta in maalintiiba la mid tahay toban casho oo halkaa ay ku noqoneyso in aad soontay in le’eg 300 oo casho, haddaad 6da shawaal ku dartana, maalintiiba ay kuula mid tahay toban iyana waa 60 casho, markaad isu geyso waa adigoo sannadka oo dhan soomay, waana 360 maalmood, waa fadliga Alle iyo naxariistiisa uu Addoomadiisa ugu nimceeyey.

 

Habeenada bishaan Ramadaan waxaa ku jira habeen ka kheyr badan 1000 bilood oo u dhiganta 83 sano 3 bilood ama kabadan, oo qofkii habeenkaa isagoo Alle dartiis cibaado kusoo jeeda haleela la dhaafayo dembigiisa kii hore iyo kii dambe, wixii uu Alle weydiistana aan seegeyn insha'allaahu.

 

Qofku soonka waxa uu ku kasbadaa derejo iyo ajar badan,oo khayrkiisa lama koobo:

وأن تصوموا خير لكم إن كنتم تعلمون (البقرة )

 

Aayaddaan iyana waxa ay ina leedahay (in aad soontaan ayaa idiin khayr badan haddaad garaneysaan oo ogtihiin).

 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم” : من صام رمضان ايمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه، ومن قام ليلة القدر إيمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه. (رواه أبو هريرة)

 

Xadiithkaas kore Rasuulka illaahay (NNKH) wuxu yiri: Qofka sooma si iimaan iyo niyad ah oo illaahay ka filaya ajar, Illaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi, Qofka isna ooga ee u kaca Habeenka Leylatulqadriga si iimaan iyo niyad ah oo illaahay ka filaya ajar, illaahay wuu dhaafaa dembi wuxu hore ula yimid.

 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم”كل عمل ابن اّدم يضاعف: الحسنة بعشر امثالها الي سبعمائة ضعف، قال الله تعالي: إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي به. يدع شهوته وطعامه وشرابه من أجلي.

 

Xaddiithul qudduskaasRasuulka Illaahay (NNKH) wuxu yiri: Camal kasta

oo Bani-aadamku sameeyo waa loo labanlaabaa, xasano kasta toban la mid ah ilaa iyo Todoba Boqol oo labanlaab ayaa la siiyaa, Alle waxa uu yidhi: Soonka mooyee isaga Anaa iska leh oo aanaa ugu Abaalgudaya kii sooma, waayo dartey ayuu isaga joojiyey oo u daayey Cuntadii, Cabiddii iyo Shahwadiisiiba.

 

Qofka Muslinka ahi waa inuu Cusboonaysiiyaa Camalkiisa iyo Cibaadadiisa oo Towbada badiyaa,waa bil barakaad iyo kheyraadkeedu badan yahay:

 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم “أتاكم رمضان شهر مبارك فرض الله عز وجل عليكم صيامه، تفتح فيه أبواب السماء، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل فيه مردة الشياطين، لله فيه ليلة خير من ألف شهر”

 

Xaddiithkaas waxa uu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yiri: Waxa idiin yimid Ramadaan oo ah bil barakeysan, Alla isagaa weyn oo koreeyee waxa uu idinku waajib yeelay Soon, waxa la furaa bishaa Albaabada Samada waxana la xiraa Albaabada Jaxiima, Shaydaamadana waa la dheereeyaa oo la xirxiraa, waxa bishaa ku jira Habeen ka fadli badan Kun bilood (Leylatul qadriga).

Fadlan Walaal wixii sadaqo ama Zakaatul maal iyo fidri ah ugu soo hagaaji sida hoos ku cad:

 

Qaate: Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne

 

C/o: Xasan Xuuriye ama Aadan Shariif.

 

Tel: +252 (0) 615 748571, +252 (0) 695 748 571 ama 252 (0) 615 510392

 

Jazzaakumu-llaahu kheyran

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

� 2007-2016, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie