Ka mahadcelin Zakaatul fidriga July 2016

 

Mahad idilkeed Alle (SWT) ayay u sugnaatay, marka xigana waxaan u mahad

celineynaa walaalihii sida hagar la'aanta ah ugu soo gurmaday walaalahooda Agoonta

Xarunta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, ee soo gaarsiiyay dhaqaale kala duwan

oo isugu jiray saddaqo iyo Zakaatul fidri, mar labaad ayaan leenahay dembi dhaaf iyo

khaatumo wanaagsan Alle ha dinku abaal mariyo insha'allahu.

 

Deeqahaan dhaqaale ayaa naga soo kala gaaray waddamo kala duwan, iyadoo ay qeybo ka

mid ah si toos ah noogu soo direen walaalihii saddaqeystay, halka qeybaha qaarkoodna ay

na soo gaarsiiyeen walaalo ka soo uruuriyay ama wakiilo ka ahaa walaalaha muslimiinta

kale.

 

Dhaqaalahaan ayaa ku soo beegmay xilli ay baahi weyn u qabeen, maadaama uu go'ay

waxoogaa dhaqaale ahh oo ay bishii ka heli jireen Guddiga Taakuleynta Agoonta

Soomaaliyeed (GTAS), kuna ekeyd bishii May ee sannadkaan.

Haddaba annagoo dhammaantood u wada mahad celineyna, haddana waxaa lagama

maarmaan ah inaan halkaan ku xusno walaalaha qaarkood ee juhdiga dheeriga ah ku

bixiyay sida:

1- Dr. Omar Yusuf Nor (USA)

2- C/casiis Axmed C/lle (CHE) Switzerland

3- Zakariye Max'ed Kaababaroole (NO)

4- Timiro Mux'ed Xuseen (USA)

5- Aadan Xuseen Siyaad Koofur (AUS )

6- C/wahaab Sh. Cilmi (AUS)

7- C/llaahi Axmed Max'ed (Shiine) (NO)

8- Mukhtaar Geeddi Ibraahim (NO)

9- Faarax Sabriye Maalin (NO)

10- Iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin

 

Dhammaantiin waxaan idin leenahay Jazaakumullaahu kheyran

 

 

 

 

2007 - 2016, © All Rights Reserved to agoonta.net, designed by Hassan O. Hurie