Saddaqo Jun 2016 UK

 

 

 

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ayaa la soo gaarsiiyay deeq lacageed oo cadadkeedu ahaa $737, deeqdaan ayaa ka timd Wadanka ingiriiska (UK), gaar ahaan magaala madaxda London, waxaana soo dhiibay walaalo Soomaaliyeed oo ku nool London, waxaana ka soo aruuriyay oo Xrunta Agoonta soo gaarsiiyay Ibraahim Cali Axmed (Saneey).

 

Haddaba deeqdaas oo uu ka guddoomay maamulaha Xarunta Agoonta wuxuu uga mahad celiyay dhammaan intii soo dhiibtay iyo intii maalkooda iyo waqtigoodaba u huray sidii kaalmo dhaqaale loogu heli lahaa agoontaan, wuxuuna Alle (SWT) uga baryay inuu badal kawanaag badan ugu abaal gudo maalinta dambe ee qiyaamaha.

 

Sidaas si lamid ah waxaan walaalaha Muslimiinta ka codsaneynaa inay wixii Zakaatul fidri ama sadaqaad kaleba ku soo tabarucaan walaalahood agoomaha ah.

 

Jazzakumullahu Kheyran

 

2007 - 2016, © All Rights Reserved to agoonta.net, designed by Hassan O. Hurie