Su'aalo iyo Halxiraalayaal Feb. 26 2016

Walaal jawaabahaada soo raaci magacaaga oo dhameystiran iyo weliba wadanka aad joogtid,

waxaan soo gudbin doonnaa hadii Alle SWT idmo qof kasta oo dhammaan su'aalaha, qeyb ka mid ah ama mid ka mid ah ka soo jawaaba.

Mahadsanid

 

 

S1- Waxaa jiray nin reer Yeman ah oo dadka jinniyada qaba ku tufi jiray, oo

waan daweeyaa dhihi jiray, ninkaasi mar uu magaalada Makka soo

gaaray ayey reer Qureesh u yeereen oo ku yiraahdeen nin baa naga

waashay ee kaalay ku tuf oo wax ku aqri, iyagoo ula jeeda Nebi

Muxammed (SCW), ninkii Yemaniga ahaa ayaa u yimid Rasuulka

(NNKH) si uu wax ugu aqriyo, laakiin markii uu lakulmay Nebiga

(NNKH) oo uu u sheegay inuu doonayo inuu jinka iyo waxa waalay ka

daweynayo, Nebigu waxa uu bilaabay inuu aqriyo Xamdalada aan

wada naqaan oo ah "Innal xamda lillaahi naxmaduhu wanastaciinuhu

wanastagfiruhu ...........", Yemanigii ayaa yiri war bal kuceli oo

Rasuulkuna ku celiay, haddana iigu celi ayuu yiri oo ugu celiyay,

kadibna halkii uu inuu wax daweyo laga rabay isagii ayaa halkii ku

islaamay, haddaba waa kuma saxaabigaasi sheeg magiciisa?.

 

S2- Waxaad sheegtaa Saxaabigii Malaa'iktu ka xishoon jirtay?.

 

S3- Geedmiroodka wadankeena ka baxa waxaa ka mid ah geed

waxa uu dhalo aan aad u wada jecelnahay yar iyo weynba,

waxa uuna ka kooban yahay 4 xaraf kaliya, haddii 4taa xaraf

gadaal laga soo aqriyo waxaa kuu soo baxaya magaca cibaado ku

waajib ah qof kasta oo muslim ah ee qaan gaar ah ee weliba

miyir qaba, awoodana inuu cibaadadaas (Waajibaadkaas) guto,

haddaba sheeg mirahaas?.

 

 

 

2007 - 2016, © All Rights Reserved to agoonta.net, designed by Hassan O. Hurie