Waajibnimada Soonka

 

Walaalayaal bacda salaan waxaan idin leenahay ramadaan kariim:

 

Insha'allaahu waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa mowduuc ku saabsan ramadaanka waajibnimadiisa, Xikmooyinka ku jira iyo fadligiisa hadba intii Alle naga garadsiiyo, kaasoo taxane inoo ahaan doona:

 

Sida aan wada ognahay soonka la soomo bisha ramadaan waa tiirka 4aad ee arkaanta islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadli badan, waayo wuxuu kulan saday sabar laga sabro waxey naftu u baahantahay iyo in lagu sabro dhibaatada gaajada iyo haraadka, sidoo kale Alle naftiisa ayuu u nisbeeyey soonka wuxuuna balanqaaday inuu ka abaal marinaayo qofkii sooma.

 

Waajibnimada soonka:

 

Soonku waa sir u dhaxeysa Alle iyo addoonkiisa qof kalana ma ogaan karo.

Soonku waa cibaado da´weyn oo dadkii naga horreeyeyba soomi jireen, waxaana la waajibiyey sanadkii 2aad ee hijrada Nabiga (NNKH), waajibinta waxey ku sugantahay kitaabka Alle, sunnada Nabiga (NNKH), iyo ijmaaca muslimiinta.

 

يا أيّها الّذين آمنوا كتب عليكم الصّيام كما كتب على الّذين من قبلكم لعلكم تتّقون(البقرة)

 

{Dadka Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyayaw waxan idinku waajibinay Soonka, sidii aan ugu waajibinay kuwii idinka horeeyay, waxaad mudantihiin inaad Alle ka cabsataan}.

 

Dhanka sunnada: Nebiga (scw) waxaa jira axaadiis fara badan oo dhammaantood caddeynaya waajibinimada soonka, waxaana ka mid ah xaddiis Dhalxa Binu Cubeydillah uu yiri: waxaa Rasuulka (scw) weydiiyay nin, isagoo ku yiri: “Rasuulkii Alloow waxaad ii sheegtaa soonka uu Alle igu waajib yeelay?.” Rasuulka (scw) ayaa ku yiri: “waa bisha Ramadaanka”. Wuxuu misna yiri: “ma soon aan bisha Ramadaanka ahayn oo la igu leeyahay ayaa jira?”. Wuxuu yiri: “Maya, aan ka ahayn kaad sunno ahaan u soonto”.

 

Shuruudda Soonka:

 

Soonku wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu burayo soonku, waxaana ka mid ah:-

1- Islaamnimo "Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay".

2- Miyir qab "Qofka waalan waajib kuma aha soonka".

3- Qaangaar "Ilmo caruur ah lagama doonayo soon" (hase yeeshee way fiican tahay

haddii caruurta lagu tababaro soomidda markay yar yihiin).

4. Awoodid "Soonka waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u lahayn oo

ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba.

 

Dadkasi aan awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex qaybood oo kala ah sida:

1. Kuwo loo banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay quudiyaan miskiin,

kuwaasi waa dadka da’da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan, waajib kuma

aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay inay afuraan, laakiin waxaa laga doonayaa

inay quudiyaan miskiin (qof baahan) maalin kasta oo Ramadaanka ka mid ah.

 

2. Qaar sidoo kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka dib ka

gudaan, laakiinse aan quudinayn cidna, waxaa ka mid ah qofka xanuunsan ee

rajeynaya inuu bogsoodo iyo qofka safarka ku jiro ee aan deganayn. Illaah kor

ahaayee wuxuu yiri ” Qofkii idinka mid ahi oo xanuunsan, ama safar ku jira waxaa

korkiisa ah inuu soomo maalmo soonkood” Suuradda Al-baqara

 

3. Iyo ugu danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna ay soonka

gudaan, waa haweeney inta ay ku jiraan wakhtiga caadada iyo kan dhalmada, waa

Xaaraan in ay xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in ay soonto marka ay

daahirto.

 

Xikmadaha ku jira Bisha ramadaan:

 

Xikmooyinka soonka waxaa ka mid ah kuwo uu Alle kaligiis ogyahay, waxaana jiro kuwo muuqda oo iska cad, kuwaasna waxaa ka mid ah:

1- Cibaado uu Alle noo sharciyeeyey.

2- In uu qofku fahmo in uu yahay daciif u baahan Rabbigiis.

3- Inay muslimiintu mid yihiin waayo isku mar ayeey bilaabaayaan soonka

isku marna wey afuraayaan.

4- Waxaa isku mid ah oo uu simay soonku qofka taajirka ah iyo qofka faqiirka ah.

5- in loogu naxariisto (lagu quudiyo) fuqurada.

 

Fadliga soonka bisha ramadaan:

 

1- Waxaa la furaa albaabada jannada waxaana la xiraa albaabada naarta.

2- Waxaa ku jira habeen camalka la sameeyo uu ka khayr badan yahay 1000 bilood.

3- Waxaa la xir-xiraa shayaadiinta.

4- Qofkii sooma asagoo rumeysan wuxuu Ilaahay sheegay, xisaabsanayana ajar uu

Allaah ka sugaayo waa loo danbi dhaafaa.

5- Soonka wuxuu u shafeeca qaadaayaa saaxiibkiisa maalinta Qiyaamo.

6- Qofkii hal maalin u soomo Alle dartiis waxaa naarta laga fogeynaayaa 70 sano.

 

Halkaan kala soco qeybaha kale ee ku saabsan ramadaanka