Zakaatul Fidri Jun 2016

Walaalayaal Sharci ahaan sakaatul fitrigu waa waajib, qof kasta oo soomayna waa laga doonaya in uu la yimaado, waxaana loo baahan yahay in laga bixiyo qofka da’da ah, qofka yar, labka iyo dheddiga, Ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariyay: Rasuulka sallallaahu calayhi wasallama inuu yiri: waxaa lagu waajibiyay qof kasta oo xor ah ama addoon ah (waa dadkii la haysan jiray), lab ah ama dheddig ah, qof weyn ah ama qof yar ah, oo ka tirsan dadka muslimiinta ah hal madaal ama suus oo timir ah ama hal suus oo heed (shaciir) ah, wuxuuna amray rasuulku in la bixiyo inta aysan dadku u bixin salaadda, waxaa xadiiskan soo weriyeen Bukhari, Muslim, Imaam Axmed, Abii Daawuud, Tirmidi, Ibnu Maaja iyo Nasaa’i.

 

Sakaatul fitriga waxaa fiican in la bixiyo inta u dhexaysa salaadda fajarka iyo salaadda ciidda, haddii maalin iyo labo maalmood ciidda ka hor la bixiyana dhib ma lahan, Ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Rasuulka sallallaahu calayhi wasallama wuxuu waajibiyay sakaatul fitriga, si ay qofka soomay uga daahiriso hadalladii xumaa ee afkiisa ka baxay iyo wixii fuxshi ah ee ka dhacay oo hadal ah, masaakiintana ay ugu noqoto kaalmo xagga cuntada ah, qofkii salaadda ka hor bixiya waxay u noqonaysaa sako la aqbalay, qofkii bixiya salaadda dabadeedna waxay u noqonaysa saddaqo ka mid ah saddaqooyinka la baxsado, xadiiskan waxaa soo weriyeen Abu Daawuud iyo Ibnu Maaja.

 

Dadka Shaaficiyada ah waxay qabaan in sakaatul fitriga la bixin karo maalinta ugu horraysa ee ramadaanka, madaahibta kalena waxay qabaan in la bixin karo maalin ama labo maalmood ka hor maalinta ciidda, dad badan waxay qabaan in ay fiican tahay in la bixiyo salaadda ciidda ka hor, sida ku xusan axaadiista nebi Muxammad sallallaahu calayhi wasallamana, waana sidaas oo waa sharci in la bixiyo salaadda cidda ka hor, waxaana nalaga doonaya in aan raacno sida uu amray rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama.

 

Waxa la bixinayo sakaatul fitriga waxay kaloo ay noqon kartaa sida ay fuqahadu sheegeen waxyaabaha ay quutaan ahlu baladka, macnaha waxa ay markaasi cunaan dadka ahlu baladka ah, nebiga sallallaahu calayhi wasallama wuxuu ku xaddiday bixinta Saac, waana mug u dhigma 2.5 kilogram haddii ay tahay bur ama bariis iyo wax la mid ahba, labada sheekh saxiixooduna waxaa ku xusan in Abi Saciidin al-Khudriyi Allaha ka raalli noqdee uu yiri: waqtigii uu rasuulka sallallaahu calayhi wasallama nala joogay waxaanu bixin jirnay sakaatul fitriga madaal ama suus oo badar ah ama madaal timir ah ama suus beed ah ama madaal sabiib ah, waxaa xadiiskan werintiisa isku raacay labada sheekh ee Bukhari iyo Muslim, culumadu waxay isku khilaafeen in bixinta sakaatul fitriga lagu bixin karo qiime lacageed ee u dhiganta raashiinkii xadiiska lagu sheegay ama raashiinka ay markaasi ahlu baladka cunaan, culimada qaar waxay ku tageen in lagu bixin karo qiime u dhiganta raashiinkii aan soo sheegnay, halka ay qaar kale diideen, qolo kastana waxay wadataa caddaynteeda.

 

Haddaba walaalaha muslimiinta ahoow agoontani ma haystaan kafaalo joogta ah, waa fuquro, waa masaakiin waana agoon, Alla ka sokoow adiga ayey kuu baahanyihiin ee sakaatul firtiga ama sakaatul maalka iyo wixii kale ee sadaqo ahba ku deeq walaalahaa, kolley adiga waa kugu waajib inaad bixiso oo kuu baaqan meyso, iyagana wey u baahan yihiin waa u nolol.

 

Jazzaakumu-llaahu kheyran

 

 

 

Go to homepage

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

� 2007-2016, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie